Wasaaradda Warfaafinta DFS oo sheegtay in Maraykanku duqayn cirka ah ku qaaday ISIS ku sugan Caal-miskaat

Puntland Mirror
0 Min Read
Buuraha Caal-miskaat, gobolka Bari, Puntland, Soomaaliya. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Maraykanku duqayn cirka ah ka fuliyey buuraha Caal-Miskaat ee gobolka Bari, Puntland, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda ISIS.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu xusay in duqaynta lagu taageerayo dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah. Waxa kale oo lagu sheegay in natiijada weerarka cirka la shaacin doono kaddib marka qiimaynta la sameeyo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland ayaa sidoo kale u xaqiijiyey bog wareedka Puntland Mirror in duqayntu dhacday galenkii dambe ee Axadda.

Ilaa hadda ma jiro bayaan rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo ku saabsan weerarka.

Taliska AFRICOM duqayn cirka ah oo ay fuliyeen 1-dii Febraayo 2025 meel qiyaastii 50 mayl dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso ee Puntland ku dilay ku dhowaad 14 dagaalyahan oo ka tirsan ISIS-Soomaaliya, oo uu ku jiro Axmed Maeleninine, oo ahaa qof muhiim u ah kooxda, kana shaqeynayey qorista, maalgelinta iyo abaabulka howlgalada dibadda, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo Mareykanka iyo Yurub.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *