Waxaa kale oo ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo ka soo buuxisay deegaankooda.
Ahlu Sunna oo katirsanayd maamulka goboleedka Galmudug ayaa dhawaan khilaaf soo kala dhexgalay madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf, taasoo sababtay in Galmudug ay dhowr dhinac u kala jabaan.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shir maamul loogu dhisayo Gamudug ay ku qabanayso magaalada Dhuusamareeb, taasoo maalmihii u dambeeyay ay dowladdu geynaysay ciidamo badan kuwaasoo ay ku sheegtay in ay qayb ka qaadan doonaan amniga.