
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dhawaaqa labo qarax oo ay daba socdeen xabadaha qoryaha ayaa laga maqlay goor dhoweyd caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka dhacay maanta oo Axad ah.
Ugu yaraan todobo qof oo ay kamidyihiin labo nin oo weerarka soo qaaday ayaa dhimatay, sida ay booliiska u sheegeen wakaalada wararka Reuters.
“Dagaalyahan ayaa isku qarxiyay xarunta CID kadibna dagaalyahano ayaa weerar ku qaaday gudaha xarunta. Hadda waxaanu ka dagaalamaynaa gudaha xarunta CID,” afhayeenka howlgalada militariga u qaabilsan al-Shabaab ayaa sidaa u sheegay Reuters.
Weerarka maanta oo Axad ah ayaa imaanaya wax ka yar hal asbuuc markii weerar ay kooxda al-Shabaab ku qaadeen xarunta ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kaasoo ay ku dhinteen 13 qof, oo u badnaa ilaalada amaanka ee AMISOM iyo Qaramada Midoobay.