Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax gaari lala beegsaday afaafka laga galo dekada weyn ee Muqdisho maanta oo Axad ah, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in weerarka ay daba socotay rasaasta qoryaha.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa hirar weeraro ah ka geysatay magaalada Muqdisho sanadadii u dambeeyay.
.