
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.
Qaraxa ayaa dhacay markii gaari walxaha laga soo buuxshay uu ku qarxay meel u dhow jidka Maka Al Mukarama ee Muqdisho, sida ay sheegeen ay ilo-wareedyadu.
Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarka maanta oo Isniin ah, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa badanaa qaada weerarada noocaan oo kale ah.