Isku dhaca ayaa yimid markii koox dadka deegaanka ah ay yimaadeen goobta ayna damceen in ay joojiyaan bandhiga taasoo keentay in ilaalada Fartuun Birimo ay rasaas ku fureen kooxdii diidanayd bandhiga.
Bandhig fanadeedkii ayaa joogsaday markii isku dhaca uu yimid, iyadoo kooxdii rabtay in ay bandhiga joojiyaan iyo dad kale oo daawanayay ay ka carareen goobta.
Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dhacdadaas xalay oo Jimce ahayd ka dhacday deegaankooda.
Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay maamulaan maamulka Galmudug ayaa ah meel aan ammaankeedu fiicnayan.