Maqaaxida la weeraray oo la dhaho Blue Sky ayaa kutaala meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya (Villa Soomaaliya).
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse shakiga ayaa ku dhacaya kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, taasoo sidaan oo kale u weerartay dhowr maqaaxi oo kale oo kuyaala Muqdisho.