Tareenka ayaa marayay inta u dhaxaysa waqooyiga-bari magaalada kutaala ee Patna iyo magaalada kale ee kutaala bartamaha ee Indore markii uu shilku dhacay maanta oo Axad ah.
“Tirada dhimashada hadda waxay kor u dhaaftay 60 qof,” sidaa waxaa yiri Zaqi Ahmed oo ah kormeeraha booliiska ee Kanpur ee gobolka Uttar Pradesh.
“In ka badan 150 waa ay ku dhaawacmeen.” Ayuu ku daray.
Hindiya ayaa ah dalka afraad ee ugu weyn habka wadooyinka tareenada, isagoo qaada in ka badan 20 milyan maalin walba, laakiin waxaa haysata khatar dhanka wadooyinka ah iyadoo sanad walba ay kumanaan qof u dhintaan shilal.