Madaxweynaha Nayjeeriya oo sheegay in ciidamadu la wareegeen saldhigii ugu dambeeyay ee Booko Xaaraam

Ciidamada dalka Nayjeeriya ayaa dagaal kula jiray kooxda Booko Xaaraam muddo todobo sanno ku dhow. [Sawirka: Archive]
Ciidamada dalka Nayjeeriya ayaa dagaal kula jiray kooxda Booko Xaaraam muddo todobo sanno ku dhow. [Sawirka: Archive]
Abuja-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Nayjeeriya Muxamadu Buhari ayaa sheegay in ciidamada Nayjeeriya ay qabsadeen mid kamid ah saldhigyadii ugu dambeeyay ee kooxda Booko Xaaraam ku lahayd gobolka waqooyi-bari ee Borno.

Haddii warkaan, run noqdo, taasi waxay ka dhigantahay xaalad cusub oo muhiim u ah bilihii dheeraa oo ay dowladdu dagaalka kula jirtay kooxda hubaysan.

“Olole dheer oo ka socday 1,300sq km oo gudaha keynta kutaala Borno wuxuu keenay burburka ugu dambeeyay ee argagixisada Booko Xaaraam ee saldhioogii ku harsanaa keynta Sambisa” sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxweyne Buhari manta oo Sabti ah.

Waxa uu u hambalyeeyay ciidamiisa isaga oo sheegay in kooxda Booko Xaaraam aysan haysan meel ay kusii dhuumato.

“Argagixisada hadda waxay ku jiraan orod, mana ay sii jiri doonto meel ay ku dhuuntaan.” Ayuu yiri.

Dagaalka todobo jirsaday ee Booko Xaaraam ayaa lagu dilay 15,000 waxaana ku barakacay in ka badan labo milyan oo ku noolaa waqooyiga-bari ee dalka ugu dadka badan Afrika.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*