Qof dadka deegaanka ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ugu yaraan 25 askari oo ka socda labada dhinac lagu dilay inta uu socday dagaalka.
“Ugu yaraan 25 qof oo ka kala socda labada dhinac ee dagaalamay ayaa lagu dilay in kale oo ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xoogan oo dhexmaray Puntland iyo Galmudug,” sidaa waxaa Puntland Mirror khadka taleefoonka ugu sheegay qofka dadka deegaanka ah.
“Waxaan xaqiijin karaa tirada dhimashada in ay sii kordhayso sababtoo ah dagaalka waxa uu ahaa mid aad u culus.” Ayuu ku daray.
Dagaalka maanta oo Axad ah ayaa qarxay kadib markii maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug ay weerar kusoo qaadeen saldhigyo milatari oo ciidamada Puntland ay ku lahaayeen duleedka magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxtooyada Puntland, Puntland ayaa ku eedaysay maamulka Galmudug in ay jabinayso heshiiskii xabad-joojinta oo u dhaxeeyay labada dhinac kaasoo ay dhex-dhexaadisay Isutaga Imaaraatka Carabta.