Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa Waaberi, iyadoo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu booqanayay Jaamacada Ummada oo u dhow meesha uu qaraxa ka dhacay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka, balse shakiga ayaa ku dhacaya kooxda hubaysan ee Al-Shabaab oo horey weeraro kan lamid ah u geysatay.
Tirada dhimashada ayaa sii kordhaysa, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Inkastoo laga saaray magaalooyinka waa-weyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ku dhufoo ka dhaqaaqa ah ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda iyo kuwa ajaaniibta ah.