Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo mar afraad dib u dhacday

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Villa Somalia]
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib u dhacday mar afraad sababtoo ah doorashooyinka baarlamaanka ayaan wali lasoo gaba-gabeyn, sida ay sheegeen hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya.

Khamiistii, hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay isku raaceen in doorashada madaxweynaha la qaban doono 28-ka bishaan December, kadib saddex jeer oo ay dib u dhacday.

Bayaan ay ka soo-saareen hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaalida kulan ay ku yeesheen Muqdisho galinkii dambe ee Khamiista, ayay ku sheegeen in ay rajaynayaan in doorashada afhayeenka baarlamaanka la doorto 22-ka bishaan December, iyadoo tan madaxweynahana ay dhici doonto 28-ka December.

Ilaa iyo hadda 200 xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 43 aqalka sare ah ayaa lasoo doortay. Aqalka hoose ayaa ka kooban 275 xildhibaan halka aqalka sare uu isna ka koobanyahay 54 xildhibaan

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey qorshuhu ahaa in ay dhacdo bishii lasoo dhaafay ee Agoosto, laakiin xukuumada Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan dib ugu dhigtay 30-ka bishaan November, haddana waa 28-ka December.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*