Taliyaha haayada nabadsugida NISA ee DFS oo 1,500 oo ciidamo ah shaqada ka cayriyay

Abdi Omar Bile
By
Abdi Omar Bile
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism...
1 Min Read

gaafow
Taliyaha haayada NISA Janaraal Cabdulaahi Gaafow. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada nabadsugida dowlada federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta oo Axad ah shaqadii ka cayriyay 1,500 oo ciidamo ah, iyadoo isku shaandayn cusub lagu samaynayo haayada nabadsugida iyadoo ay kooxda Al-Shabaab weeraro ka wadaan caasimada Muqdisho.

Taliyaha haayada NISA Janaraal Cabdulaahi Gaafow ayaa sheegay in ciidamada loo cayrshay xirfad xumo.

Arrintan ayaa timid iyadoo weerar isbiimayn ahaa ay kooxda Al-Shabaab shalay oo Sabti ahayd la beegsatay meel u dhow xabsi kuyaala Muqdisho oo ay maamusho haayada NISA, weerarkaas oo lagu dilay afar qof.

Janaraal Gaafow oo ahaa agaasimihii hore ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa si rasmiya loogu doortay agaasimaha haayada NISA bishii June ee 2016.

Share This Article
Follow:
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism Network (OCJN) and a professional fact-checker.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *