Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha booliiska gobolka Nugaal Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen kadib markii ay heleen warar sirdoon oo sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay damacsantahay in ay weeraro ka geysato caasimada Puntland ee Garoowe.
Taliyaha oo maanta oo Sabti ah kulan la yeeshay shacabka magaalada ayaa ka codsaday in ay xogta la wadaagaan haayadaha ammaanka.