Is-rasaasaynta ayaa ka dhacday guri xaafadeed kuyaala Garoowe iyada oo booliisku isku dayayeen in ay xiraan nin lagu eedeeyay in uu kufsaday gabar, sida ilo-wareedku sheegeen.
“Ninka ayaa rasaas ku furay ciidanka booliiska, mid kamid ah xabadaha ayaa ku dhacday gacanta midig ee taliyaha,” ilo-wareedka ayaa sidaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.
Ninka ayaa waxaa toogtay oo dhaawacay ciidamada booliiska kadib markii uu dhaawacay taliyahooda.
Mr Fardafuul ayaa loo qaaday isbitaal kuyaala magaalada Carmo waxaana uu ku suganyahay xaalad caafimaad oo wanaagsan.