Sooyaal: Kumuu ahaa Cali Hayaan?

Puntland Mirror
1 Min Read
Waayihiisii maamulka dugsiyada dalka. [Xigashada Sawirka: Qoyskiisa]

Cali Maxamed Cabdiraxmaan, oo loo garan ogyahay Cali Hayaan, wuxuu sannaddii 1950-ka ku dhashay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu 1960-naadkii ku dhammeeyay isla Gaalkacyo, halka uu dugsiga sare ka dhigtay min 1966-dii ilaa 1969-kii dugsiga Jamaal Cabdinaasir ee ku yaalay caasimadda dalka Muqdisho.

Daraasaadkiisa jaamacadeed, wuxuu Cali Hayaan shahaadada heerka koowaad ee kulliyadda Waxbarashada ka qaatay Jaamacadda Lafoole. Wuxuu sidoo kale 1980-naadkii shahaadooyin heerka labaad ah oo isla kulliyadda Waxbarashada ah ka qaatay jaamacado ku kala yaal dalalka Masar iyo Kuwayt.

Waxbarashadiisii heerka labaad ee jaamacadeed ee dalka Masar. [Xigashada Sawirka: Qoyskiisa]

Sooyaalka Shaqo

Wuxuu Cali Hayaan ku shaqo-bilaabay macallinimo oo wuxuu wax ka barayay dugsiyo uu kamid yahay dugsiga Eylo ee degmada Jowhar inta u dhexaysay 1969-kii illaa bilowga 1970-naadkii.

Markuu ahaa Guddoomiyaha Imtixaanaadka Guud ee Wasaaradda Waxbarashada. [Xigashada Sawirka: Qoyskiisa]

Waxaa u xigay maamule dugsi oo uu uga shaqeeyay gobollo dhowr ah oo Soomaaliya ku kala yaal sida magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Wuxuu Cali Hayaan markii uu soo dhameeyay jaamacadda Lafoole ku biiray bahda wasaaradda waxbarashada halkaas uu ka shaqeeyay qaybta wasaaradda u qaabilsan dugsiyada sarre, ka dibna waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo uu ahaa intii u dhexaysay 1984-tii illaa 1991-dii oo ay dowladdii dhacday. Shaqadan ayaa ahayd midda Cali dhaxalsiisay caannimada iyo qaddarinta baahday ee dalka looga wada hayay.

Waayihiisii Xafiiska Imtixaanaadka Guud. [Xigashada Sawirka: Qoyskiisa]

Kadib marka uu dagaalkii sokeeye qarxay, wuxuu Cali Hayaan 1993-dii u soo wareegay magaalo madaxda gobolka Nugaal ee Garoowe, halkaas oo uu ka bilaabay geeddi uu dib ugu dhisayo nidaamka waxbarasho iyo manhajkii ka burburay gobolka ee uu dalweynaha kale la qabay. Wuxuu waqtigiisa wada siiyay dib-u-yagleelidda tacliin tayo leh oo uu gobolku yeesho.

Manhaj diyaarintii koowaad ee UNESCO sannadkii 1999-ka ee magaalada Nairobi, Cali waa qofka gees u xiga (Midig) dadka fadhiya. [Xigashada Sawirka: Qoyskiisa]

Inta u dhexaysay 1994 illaa 1996, wuxuu Cali noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, wuxuuna qayb lixaad leh ku lahaa dadaadalladii bilowga u ahaa aas-aaska maamulka Puntland, oo 1998-dii lagu guulaystay inuu hirgalo. Si gaar ah ayuu tacab fara badan u galiyay horumarinta hannaanka waxbarasho ee maamulka curdinka ah, isagoo ka dabqaadanayay waayo aragnimada gaamurtay ee uu u lahaa dhisidda iyo horumarinta manaahijta tacliineed.

Wuxuu labo goorba, 1999-kii, iyo 2005-tii,  kala shaqeeyay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan umuuraha waxbarashada ee UNESCO, samaynta manhaj tayaysan kaas oo dalka oo dhan ka hirgalay, arrinkaas oo sii xoojiyay kaalintiisii lama-illaawaanka ahayd ee uu ka ciyaaray waxbarashada Soomaaliya.

Manhaj diyaarintii labaad ee sannadkii 2005-ta magaalada Nairobi, Kenya, Cali waa qofka Dhexda ku jira dadka fadhiya. [Xigashada Sawirka: Qoyskiisa]

Wuxuu Cali Hayaan sidoo kale noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland, inta u dhexaysay sannadihii 2002 illaa 2013.

Markuu ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga Puntland sannadkii 2009-ka. [Xigashada Sawirka: Qoyskiisa]

Geeri

Wuxuu Allaha u naxariistee Cali Hayaan ku geeriyooday magaalada Garoowe 10-kii Luulyo 2013-kii.

Shir ka dhacay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali sannadkii 2010-ka oo uu ku matalayay wasaaradda Amniga ee Puntland. [Xigashada Sawirka: Qoyskiisa]

Marxuumku wuxuu ka tagay ubad 9 ah iyo kayd dahab ka mug weyn oo uu ku darsaday waxbarashada Soomaaliya.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *