Axmed Ciise Cawad ayaa Anadolu u sheegay in dalkiisu uu taageersanyahay howlgalkaas.
“Waxaanu taageersanahay howlgalka millatari ee uu Turkigu ka bilaabay Afrin,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
“Turkigu xaq bay u leeyihiin in ay is difaacaan, waxaan la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu waxaana u sheegay in Soomaaliya ay taageersantahay,” ayuu ku sii daray.
Turkiga ayaa asbuucii lasoo dhaafay howlgal millatari ka bilaabay gobolka Afrin si ay halkaas uga saaraan maleeshiyooyinka PYD/PKK iyo Daacish.
Turkiga ayaa Soomaaliya taageerayay tan iyo sanadkii 2011, waxaana uu dalka kuyaala Geeska Afrika ka dhistay saldhigiisa milatari ee ugu weyn adduunka, iyo safaarada ugu balaaran caalamka.