“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Horaantii todobaadkan, Sucuudi Caraabiya, Masar, Baxrayn, Isutaga Imaaraatka Carabta iyo Yemen ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururo argagixiso oo ka jira gobolka, balse Qatar waa ay diiday eedaymahaas.