Sirdoonka Mareykanka oo sheegay in ay baarayaan in Xuutiyiinta Yaman ay wadahadal kula jirto Al-Shabaab si ay hub u siiyaan

Maleeshiyada Al-Shabaab.[Sawir Hore]


Garoowe-(Puntland Mirror) Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in ay jirto wadahadalo u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yaman, sida u uku waramay taleefishinka CNN, oo soo xiganaya saddex sargaal oo Maraykan ah, kuwaasoo walaac ka muujiyay in arrintan ay khatar iyo xasilooni la’aan dheeraad ah ku keeni karti gobolka.

Saraakiisha ayaa hadada ku guda jira barista cadaymaha in Xuutiyiinta ay hub gaarsiiyeen Soomaaliya iyo in ay jirto in Iran oo taageerta Xuutiyiinta ay ku lug leedahay.

Maraykanka ayaa uga digay wadamada gobolka suurtagalnimada iskaashigaas asbuucyadii u dambeeyay, si ay sheegeen saraakiil sare oo dhanka maamulka ah, iyadoo wadamada Afrika qaarkood ay si dhab ah ay ula wadaageen walaacooda Marayknka.

Sirdoonku waxa uu sare u qaaday suurtagalnimada in iskaashigan uu sii xumayn karo xaalada Soomaaliya iyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Gaza.

Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurtagalnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Waxaa jiray tahriibin joogto ah oo isugu jira hub fudud iyo agab ganacsi oo u dhexeeya kooxo kala duwan oo Yemen iyo Soomaaliya muddo sanado ah. Laakin heshiis hub ah oo dhex mara Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa noqon doona mid cusub, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 480 askari oo Mareykan ah, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Mareykanka ayaa sii waday duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan Soomaaliya inta uu jiray maamulka Biden.

Mid ka mid ah su’aasha ugu weyn ee saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa ah heerka ku lug lahaanshaha Iran laga yaabo inay ku yeelato habaynta iskaashigan. Wali ma jirto cadeymo toos ah, saraakiishu waxay yiraahdeen, laakiin Mareykanku wali ishuu ku hayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*