Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Daacish uu galay wajiga labaad.
Siciid Cabdullahi Deni ayaa sidaas ka sheegay tababar loogu soo xirayay ciidamo cusub oo katirsan PMPF maanta oo Khamiis ah. Waxa uu sheegay in howlgalka wajiga labaad ay maleeshiyada Daacish kala dagaalami doonaan beri, bad iyo cirka.
Puntland ayaa bartamihii bishii December 2024, guluf ku qaatay maleeshiyada Daacish ee ku sugan deegaanada buuralayda ah ee Caal-miskaat ee gobolka Bari. Daacish ayaa halkaas saldhigyo ku lahaa tan iyo sanadkii 2015.