Sargaalka oo magaciisa la dhaho Adam loona yaqaan Abu Mujaahid ayaa subaxnimadii maanta oo Talaado ah isku dhiibay gacanta dowladda, sida ay ilo-wareedku sheegeen.
Bilihii lasoo dhaafay, saraakiil iyo dagaalyahano katirsanaa ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa isa soo dhiibay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay maleeshiyada Al-Shabaab haddii ay isa soo dhiibaan.