Muqdisho-(Puntland Mirror) Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu baahiyay warbaahinta Soomaalida, oo laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo sheegay in Maraykanku uu bilaabay in uu kala baxo shaqaalihiisa muhiimka ah safaaradda oo Muqdisho ku leeyahay.
Qoraal lagu qoray barta X, safaaraddu waxay beenisay sheegashadan.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro afka ku qaadayay masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf xoogann oo shakhsiyadeed kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.