Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho. [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]
SHARE
Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho. [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaari, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada waddooyinka.
Shilka ayaa ka dhacay wadada tuulada Guud-cad ee u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada waddooyinka.
Dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada u dhow kadib shilka, saraakiisha ciidamada waddooyinka ayaa intaas ku daray.