Laascaanood-(Puntland Mirror) Raysul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in maamulka SSC-Khaatumo uu ka qeybgalayo shirka soo socda ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Isagoo ka hadlayay xarunta baarlamaanka SSC-Khaatumo ee Laascaanood, Xamse ayaa sheegay in madaxweynaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Firdhiye ay soo gaartay caasumaada madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeybgalka shirka.
“Markii ugu horeysay SSC-Khaatumo waxay ka qeyngalaysaa shirka Madasha Qaran, marka halkaas bay Khaatumo gogosheeda dhigan doontaa,” ayuu yiri raysulwasaaruhu.
Dadka deegaanka SSC-Khaatumo ay sanad kahor kacdoon ay kaga soo horjeedaan maamukal gooni goosadka ee Somaliland kaasoo dhiig badan ku daatay socdayna sagaal bilood waxay kaga xoreeyeen dhulka SSC ciidankii Somaliland oo muddo 15-sanno haystay.