Sharmaake ayaa hadalkan sheegay shalay oo Jimce ahayd markii Puntland iyo Galmudug ay bilaabeen in ciidamadooda ay kala baxaan jiida hore ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib heshiis xabad-joojin ah oo ay garwadeen ka ahaayeen RW Sharmaake iyo saraakiil Qaramada Midoobay katirsan.
In ka badan 50 qof oo u badan ciidamada dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka ka dhacay Gaalkacyo oo bilaabmay bilowgii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.
Ku dhawaad 90,000 shacab ah ayaa ku barakacay colaada Gaalkacyo, sida ay sheegtay UNHCR.