“Waxaa naga go’an in aan qaadno dagaal xoogan isla markaana baahsan oo aanu kaga hortagayno Al-Shabaab, ISIS iyo ururada kale ee argagixisada ah,” ayuu ka sheegay shir amniga looga hadlayay maanta oo Arbaco ah ka dhacay Muqdisho.
Xamsa oo bartamihii bishii June uu madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud u magacaabay raysulwasaare ayaan weli soo dhisin xukumaadiisii.