
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caare”.
“Janaraal Caare waxa uu ahaa shaqsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu sameyn lahaa” ayuu yiri Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali “Sharmarke”.
Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caare” oo kamid ahaa saraakiisha Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday caasimada Soomaaliya, Muqdisho.