Moscow-(Puntland Mirror) Turkiga iyo Ruushka ayaa gaaray heshiis lagu soo celinayo xiriirkii labada dal u dhaxeeyay kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ay wadahadal labo dhinac ah ku yeesheen magaalada St Petersburg ee Ruushka.
Putin ayaa sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen balaarinta xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.
Dhanka kale, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ay heshiis ku gaareen in la sameeyo heshiisyo maalgalineed iyo xiriir kale oo ganacsi.
Kulanka Erdogan iyo Putin ayaa ahaa kii kowaad oo dhexmara tan iyo markii Turkiga uu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushka lahaa bishii November ee lasoo dhaafay, taasoo xumaysay xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee labada dal.
“Booqashadaada maanta, inkastoo ay jiraan xaalado adag oo ka jira gudaha Turkiga, waxay muujinaysaa in dhamaanteen aynu rabno in aanu bilowno wadahadal iyo soo celinta xiriirka Ruuskha iyo Turkiga,” sida waxaa yiri Madaxweyne Putin.
Ugu dambayna Madaxweyne Erdogan ayaa uga mahadceshay dhiggiisa Ruushka taleefoon uu u soo diray kadib markii uu dhacay 15-kii July isku-daygii afgembiga dhicisoobay.