Puntland oo xabsiga ka sii daysay wariye Kilwe

Axmed Cali Kilwe. [Xigashada Sawirka: Puntland One]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa xabsiga ka sii daysay wariye Axmed Cali Kilwe kadib muddo labo todobaad ah oo uu xirnaa iyada oo aan la maxkamadayn, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Siidaynta ayaa timid kadib markii maxkamada gobolka Nugaal ay taliyaha xabsiga dhexe ee Garoowe ku amartay in uu xabsiga ka sii daayo wariyaha, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Kilwe ayaa waxaa xiray ciidamada Puntland 2-dii bishaan July iyada oo lala xiriirinayo eedayn uu u jeediyay Madaxweynaha Puntland oo uu ku daabacay boggiisa Facebook-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*