Sida ay wararku sheegeen, Xasan Cali Khayre iyo guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanem ayaa kawadahadlay arrimaha la xiriira nidaamka maaliyada iyo habsami u socodka dadaalada deyn cafinta Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, kaasoo asbuucii lasoo dhaafay la doortay.
Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa horaantii asbuucaan u safray dalka Mareykanka si uu uga qeybgalo kulamada xagaaga ee u dhaxeeya haayadaha maaliyada ee dunida.
Bishii September 2018, Bangiga Adduunka oo fadhigiisu yahay Washington, ayaa ogolaaday $80 milyan oo dollar oo deeq ah oo la siinayo Soomaaliya si ay ugu maalgeliso dib u habeynta maaliyadeed ee wadanka.