Qarax miino oo ka dhacay buuraha Bari oo dilay shan askari oo Puntland ah

Puntland Mirror
0 Min Read
Ciidamo katirsan Puntland oo ka howlgalaya buuralayda Caal-miskaat. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad shan askari oo Puntland ah ayaa ku dhintay qarax miino oo gaarigooda haleelay, deegaanada buuralayda ah ee Call-Miskaat ee gobolka Bari, maanta oo Isniin ah, halkaas oo kooxda argagixisada ISIS ay miinada ku aaseen, sida aanu ka soo xiganay ilo-wareedyo ciidanka.

Puntland ayaa bilowday weerar ballaaran oo ka dhan ah kooxda argagixisada ISIS bishii hore, waxaana ciidamada ay qabsadeen in ka badan 40 saldhig oo ay lahaayeen maleeshiyaadka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *