
Boosaaso-(Puntland Mirror) Walxo looga shaki qabao qarax ayaa lagu arkay agagaarka isgoyska Gaaca ee magaalada Boosaaso, sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Ciidanka Puntland ayaa goobta ku hareeraysan iyadoo dad weynaha laga fogeeyay halkaas, ciidanka miino barista ayaa ku mashquulsan baaritaanka qaraxa.