Qarax ka dhacay makhaayad kutaala magaalada Afgooye oo dilay ugu yaraan saddex qof

Abdi Omar Bile
By
Abdi Omar Bile
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism...
1 Min Read
Qarax ka dhacay makhaayad kutaala magaalada Afgooye oo dilay ugu yaraan saddex qof. [Sawirka: Archive]

Qarax ka dhacay makhaayad kutaala magaalada Afgooye oo dilay ugu yaraan saddex qof. [Sawirka: Archive]
Qarax ka dhacay makhaayad kutaala magaalada Afgooye oo dilay ugu yaraan saddex qof. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax lagu xiray makhaayad kutaala gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay sargaal.

Taliyaha ciidamada booliiska Afgooye ayaa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in qaraxa lagu qariyay gudaha makhaayada uu qarxay.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ay ku jiraan askar iyo rayid.

Afgooye waa magaalo beereed istiraatiiji ah oo qiyaastii 30 km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan caasimada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay in ay iyagu ka dambeeyaan qaraxa, balse tani waxa ay imaanaysaa wax ka yar 12 saacadood kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab ah ay weerareen saldhig ciidan oo kuyaala gudaha magaalada Afgooye, ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay weerarkaas.

Share This Article
Follow:
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism Network (OCJN) and a professional fact-checker.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *