![Qarax gaari oo lala eegtay saldhig milatari oo kuyaala duleedka Muqdisho. [Sawirka: Twitter]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/02/C5rAwdqWQAEp_4d.jpg)
Ilaa iyo saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas maanta oo Isniin ah, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro kan la mid ah horey u qaaday.
Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, balse maleeshiyadu wali waxay ka wadaa gudaha caasimada weeraro ay dhiig badan ku daateen.
