Cawil Axmed Faarax oo ah guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in xubnaha la dilay ay ahaayeen kuwo katirsan Al-Shabaab.
“Maxkamadu waxay toogatay todobo dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan. Maanta ayaa la toogtay,” guddoomiyaha maxkamada ciidamada ayaa warbaahinta ugu sheegay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso.
“Shan kamid ah waxaa lagu qabtay iyaga oo qarax gelinayay gudaha magaalada Boosaaso. Labada kalena waxay dad ku dileen gudaha magaalada Gaalkacyo.” Ayuu ku daray.