
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta ee Puntland ayaa ku garaacay Koonfur Galbeed 4-0 ciyaartoodii ugu horeysay ee koobka maamul goboleedyada Soomaaliya.
Goolal ay ka heleen Yacquub Cusmaan iyo Abdiwaaxid Dhakab Dhakab ayaa u suurta gashay in Puntland hesho guusha ay kaga gaartay 4-0 Koonfur Galbeed maanta oo Axad ah.
Puntland ayaa hadda kor kaga jirta guruub A iyagoo leh saddex dhibcood, waxaa iyana saddex dhibcood leh Banaadir oo sidoo kale 5-0 kusoo garaacay Koonfur galbeed ciyaartoodii bilowga ahayd ee Sabtida dhacday.
Puntland ayaa ciyaartooda labaad maalinta Talaadada ah la yeelan doona Banaadir.