Madaxweynaha oo wareysi siiyay VOA Somali ayaa sheegay in ammaanka, xasiloonida siyaasadda iyo dib u habaynta dhaqaalaha uu maamulkiisa cusubi diiradda saari doono boqolka maalmood ee u horeeya.
“Waxaan rabnaa in boqolka maalmood ee ugu horeysa aan dalka ka dhaqangelino waxa aan damacsanahay ee amniga, xasiloonida siyaasadda iyo dib u kabida dhaqaalaha in sharcigii ay ku shaqayn lahaayeen aan salka u dhigno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Xasan Shiikh oo 66-sanno jir ah, oo Soomaaliya soo hoggaamiyay 2012 ilaa 2017, ayaa Axadii dib markale loo doortay kadib markii uu ka adkaaday madaxweynaha xilka ka tagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.