Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Arbaco ah in ay toogasho ku fulisay saddex xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Saddexda xubnood ee la toogtay ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday huteel Naasa Hablood ee Muqdisho 28-dii Oktoobar 2017 kaasoo ay ku dhinteen 18 qof.
30-kii bishii May ee sanadkan 2019, ayaa maxkamada ciidamada ay nimankan ku xukuntay dil toogasho ah.
Magacyada saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu sheegay; Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Max’ed Xaaji Buule.