Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Isniin ah dil toogasho ah ku fulisay labo xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Labada xubnood ayaa lagu eedeeyay in ay nabadoon Cabdiraxmaan Ciise Cali Xasan ku dileen gudaha Muqdisho sanadkii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada ciidamada.