Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo sidoo kale ah guddoomiyaha madasha maamul goboleedyada ayaa yiri: “Waxaan u nimid shirka madasha wadatashiga dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo looga wada hadlayo arrimaha masiiriga ah ee u gaarka ah, khuseeyana iskaashigooda iyo guud ahaan danta caam ka ah, waxaan rabnaa inaan helno dowlad goboleedyo mid ah, hadafkooduna yahay Soomaalinimo, hirgeliyana nidaamka fadaraaliisamka”.
Shirka 3-aad ee madasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la filayaa in uu Kismaayo ka furmo beri oo Isniin ah.