Masar oo hub soo gaarsiisay Soomaaliya

Dekadda Muqdisho. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Saraakiisha dekedda Muqdisho iyo kuwa milateriga ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in markab dagaal oo Masar laga leeyahay uu hub labaad oo badan uu soo gaarsiiyay Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda.

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaanahan xoojiyay xiriirkooda taasoo keentay in dowladda Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ay dhowr diyaaradood oo sida hub u soo dirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaddib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis amni oo wadajir ah bishii August.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*