
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya tuulada Budbud maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dab qabadsiisay tuuladaas oo kutaala gobolka Galgaduud.
Sababta ay Al-Shabaab u gubeen tuuladaas ayaa la aaminsanyahay in ay tahay dadka tuuladaas oo soo dhaweeyay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya markii maleeshiyada Al-Shabaab oo deegaankaas haysatay ay ka baxeen labo beri kahor.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sidoo kale jaray isgaarsiinta tuulada Budbud.
Tuulada Budbud ayaa hoostagta magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Ciidamada dowlada Soomaaliya oo labo beri kahor qabsaday tuulada ayaa isaga baxay taasoo keentay in maleeshiyada ay markale dib ugu soo noqdaan.