War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Madaxweynaha Puntland ku boggaadiyay doorka uu ka qaatay in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada soo socota, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay labada guddoomiye ku xigeen ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad.