Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo Geeriyooday

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. [Isha Sawirka: Reuters]

Hargeysa-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo 86 jir ah, ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Somaliland.

Siilaanyo wuxuu horey uga soo shaqeeyay xukuumaddii milateriga ee Maxamed Siyaad Barre, kahor inta uusan ku biirin jabhaddii SNM.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa tacsi u diray ehelkii, qoyskii, iyo shacabka Somaliland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Muuse Biixi Cabdi oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in aas qaran loo samayn doono Isniinta.

Geerida Siilaanyo ayaa imaanaysa iyadoo maamulkaas ay ka socoto doorashada madaxweynaha iyo xisbiyada isku sidkan taasoo hadda ay socoto tirintii coodadka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *