Qoraalka ka soo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in amarka dib loogu celinayo ciidamada iyo hantida laga saarayo Soomaaliya horaanta sanadka 2021 uusan muujinaynin isbadal ku yimid siyaasada Mareykanka.
Ku dhawaad 700 ciidamo ah ayaa Soomaaliya ka jooga kuwaasoo ciidamada Soomaaliya ka caawiya dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjiriinta ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.
Si kastaba ha noqotee, khubarada qaar ayaa ka digay in ka bixitaanka Mareykanka ay dhiiragelin karto kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka Geeska Afrika.