Madaxweynaha Puntland oo Itoobiya u safray markii labaad bil gudaheed

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Khamiis ah u safray dalka Itoobiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ujeedada safarka madaxweynaha ayaan cadayn, balse ilo-wareedyo  dowladda katirsan ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Madaxweynuhu uu Addis Ababa kula kulmi doono shirkado ajnabi ah, oo la filayo in ay mashaariic horumarineed ka fuliyaan gudaha Puntland.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa, Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka qaybgali doona shirka Tana ee looga hadlo ammaanka Afrika, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Safarka Cabdiweli ee Itoobiya ayaa kii ugu dambeeyay waxa uu ahaa bilowgii bishaan April, markii uu Addis Ababa tagay kadib isaga oo kasoo noqday Dubai, halkaas oo uu heshiis kula soo galay shirkada DP World si ay u horumariso una maamusho dekada magaalada Boosaaso.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*