Cabdisamad ayaa bilihii u dambeeyay la tacaalayay xanuun aan la sheegin.
Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid madaxweyne ku xigeenkii hore, sida lahu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.
Bishii Janaayo 2009-kii, ayaa madaxweyne ku xigeen loo doortay kadib markii Cabdiraxmaan Maxamed Faroole loo doortay madaxweyne. Janaayo 2014-kii ayuu markale u tartamay balse waxaa doorashadaas kaga adkaaday Cabdixakiim Cumar Camay.
Kahor doorashada madaxweyne ku xigeenka, Cabdisamad Cali Shire ayaa Puntland xilal kala duwan kasoo qabtay. Sidoo kale waxa uu ahaa sargaal sare xilligii xukuumaddii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.