Maxa dhalintii dib dhigay

Hadal horoo da, wayn baa yiri “dantis mayaqaan mara duuga horteed ayuu dhamaada”.

Dunida aad arkayso dadku waxuu kukala hormara kartida wax qabad iyo dadaalka uu muujiyo nafsadiisa si uu u gaaro guul lataaban karo. Waxana tusaale kuugu filan dunida dadka korkeeda saran iyo kuwo horay unafwaayayba waxaa kadhex muuqda shaqsiyaad fara kutiris ah tariikhdu xusto bulshada dhexdeena aad looga yaqaan, waxaana iswaydiin mudan maxay dadka kaga duwanyihiin.

Dadaalka aad muujisa mirahiisa waxaa ku heshaa waxaad kasbatay. Waxaan intaas oo dhan usoo dulmaray uma socdo inaan tusaale kabixiyo dadwaynaha guulaha gaaray ee waxaan rabaa inaan tilmaan gaaban kabixyo da,yarta soomaliyeed ee manta nool halkeebay bulshada kajoogan? Maxay taarikh reebi doonan? Saansaanka hormareed ee cilmi kudhisan iyo dadaal xageebay kajoogan?

Waxaan filayaa in badan oo dhalinta lafteeda kamida inay iswaydiiso suallahan lakiin jawaabta uu ninba meel usifeeyo intooda badan waxay nafta kuqanciyaaan

  • Fursad malahan meeshan aad joogto
  • Dhalintu Janis mahaysato
  • Iyo waa lagaaraya

Lakin anigu waxaan ku oran lahaa

  • Oo yaad fusada kasugaysaaa?
  • Yaa janiska kusiin lahaa?
  • Oo korma lagaarayaa?

Waxaa muhiima nafta inaan been lagu qancin ee lakiin labaro oo looraadiyo sidii lagu hormarin laha wax qabad muuqdana loo heli laha.

Waxyaabaha dib udhigay bulshadeena iyo dhalinta khaas ahaan, markaan isku dayay inaan aqoontayda iyo aragtidayda gaaban ku cabiro waxaa isoo baxayday arimo dhawra oo aad ugu habsaday bulshadeena iyo dhalinteeena oo ay kamid yihiin :

  1. Kudayasho

Erayga kudayasho maahan kaliya qofka oo ficil uu qof ka arkay sameeya ee waxaa kaloo noqon kara kudayasho inu qofku fakar ahaan ahaado mid u hogaansan aragtida dadka kale asagoon lahayn aragti u gaara oo ku qiimayn karo sax iyo khalad. Tusaale ahaan waxaad arkaysaa dhalinyaro ukala qaybsan labo qaybood oo waxay kala raacsan yihiin laba siyaasi oo midba midka kale qabiil kiisa kasoo jeedo. Haadaad waydiisid suasha ah oo maxaad ku raacday fakarkiisa waxaa laga yaaba jawabtiisu inay noqoto waa ree hebel.

Dhalinyarada soomaliyeed 90% kamid ahi waxaa la aqonsaday inay dugsiga sare dhamysteen waloow ladhihi karo 70% kamidihi waxay haystan shahaado heer jamacdeed. Hadaba suasha taagan waxay tahay wiilka heerjamaceed wax barsho kasoo qaatay iyo odaygii geela sida loo dhaqdo kaliya yaqaan maxaa isku fakar kadhigay iyo inay qabiil kamidaysan yihiin? Malays dhihi kara warqada lacagta badan reerka uga baxday iyo waqtiga badan oo kulumiyay aqoonta aadisteeda wax wayn kamasoo bixin.

Hadanba xaga diinta tusaale u aado waxa ayana lamida kuwa cilmiga diinta bartay oo ayaguna uqaybsan laba qaybood iyo in kabadan garana waayay inaan isku yimaadan oo kawada hadlaan isku imanshahooda lakiin waxay ku kala tageen fakarkii kuwii kasii horeeyay oo midba garkiisa loogusoo shegay ada saxan iyo asagu waa gaal/murtad/, bidci iyo erayo kaloo siyaasadaysan.

Anigu maahan inaan leeyahay dadka wada saxan amaba wada khaldan lakin waxaan leeyahay maxaa loowayay dhalinyaro xambaarsan fikir kaduwan kuwii inaga horeeyay oo haday khayr leeyihiin 30 sano dagaal socda nagaliyay.

Kala taga soomali kala tagtay waxaa usii dheer waxii nasoo maray waxba kaamaanan baran.

Waxaa nasiib daro ah inaan manta dhalinta inteena badan aan nahay fakar gab aan kafakarin xagee usocoto. Waxaad arkaysaa oo hadii aad dhalintu waqtigeeda badan ku bixisa oo inaad cilmi baaris kusmaysid dhalinta soomali kaaga filan baraha bulshada sida facebook oo aad arkaysid qoraaladooda vedio kooda comments kooda iyo waxyaabaha dhex mara oo aan kusoo koobay hebel baa yiri hebel baa sameeyay, habel baa khaldan iyo hebel baa saxan. Lakiin aan lahayn eray bixin ama qoraalo wax tar leh.

Hase ahaate kudayashadii dadkii nagahoreeyay kaliya waxaan uga dayanay intoodu xumayd ee kamanan wada qaadan waxay wanag iyo xumaan lahayen tusale ahaan dakii hore waxay can ku ahayen dad wax tar leh. 20 jirka aan tabac lahayna waxuu aha mid erayo cay ah lagu sifeeyo.

  1. Kalsooni daro

Qofka oo naftiisa aamini waya, arki waaya awoodeda waxa somalidii hore kutilmaami jirtay wax matare. Manta waxaa ladhihi kara waxaa soomalida kubadan dhaliyaradeeda wax matarayaasha. Tusale ahaan waxaad arkaysaa nin dhalinyara oo noloshiisa oo dhan wax qabdkeedu yahay inuu hurdo kasoo tooso  hooyadiis quraacdeeda soo cuno yimaado goobaha lagu shekaysto kunoqodo xafdiisa markay qoraxdu kululaato guri kaqadeeya galabkiina intuu is dhaashto dhulkiisa gabdho karaadsada. Dhab ahaanti wax mabarto hadi lawaydiiyo maashaqaysatidna yiraahda xagee shaqo laga helaa iyo yaa isiinaya shaqo. Runti waa wax lala fajaco.  lakiin waxaaba taa kasii daran dadka manta jooga iskulama yaaban kuligeen baa sida ubadan. Bulshaduna ceeb uma taqaan. Waxuu abwaan soomaliyeed oo an aad ujeclahay xigmadiisa yiri “nin dayoobay leexleexashuda waa u liibare eh” oo uu kala jeedo qofka wadadii kadhumay wadada uu haysta waxay u tahay inuu saxanyahay maadama uusanba aqoon meelu marayo. Waxaa taas lamida indhalintu bagamuudada iyo camal la,aantu u noqoto inaysanba waxba kamaqnayn.

Taasi waxay keentay in maskaxdii wilka dhalinyarada ah fariisato shaqana aysan qaban Karin kukeento cajis uusan awoodin inuu akhiryo qoraalyar oo 2 page kakooban. Fakarkiisuna ahaada mid ku aruursan maxa layiri. Sababtoo ah qolyaha maskaxda bini adamka wax yar kafahmay waxay tilmaaaman in maskaxdu korto aragtiduna qofka usiyaado ayadoo kuxiran waxa uu kuqabto ku akhriyo, lakiin hadaan taa jiri ay cagsiga noqoto oo yaraato.

Waxaan anigu inta badan iswaydiya maxa sidaan naga dhigay waanan huba inaan kaligay ku ahayne markaan dhalinta saaxibka nahay mawduucyada noocana kahadalno waxaa wajiyadooda ka rkaa niyad jab iyo indho fariir aan isdhaho mawaxay kuleeyihin war hanagu soo qaadin.

Waxaanse goaansaday inaan dhamaan waydiiyo dhalinyarada somaliyeed war maxaa naga khaladan:/ halkee nala kahaystaa? Halkee ka aaadnaa meeshan joogno?

  1. Tayo la,aan

Waxaa somaliya tartan kujira hotelada laseexdo iyo jaamacdaha wax laga barto oo gobol kasta oo somaliya kuyala waxa lagahelaya dhawr jaamacadood. Waxaa aad uga dhex muuqdo intooda badan kuliyado isku wada eg oo ad mar marka qaar isleedahy ma iskaga daydeen, ayadoon loo qiimaynayn keeba faido u leh ardayda iyo dhulka ay kjunool yihiin aya hadana saf loogu jira iska diiwan galinta jamacadahaas. Sanad walba waxa kasoo baxa arday gaarysaa 30 % oo dhalinyarada soomaliyeed kamid ah. Inkasto ay ku kala duwanyihiin maadooyinka ay barteen hadana waxay isku mid kayihiin sadex.

  • aragtida
  • hanyarida
  • Dhaqanka

Fakar ahaan waxay wada aaminsanyhiin ninki aan xafiis fariisan inuu yahay mid khasaraay oo koligood waxay rajo kaleeyihiin inay shaqo kahelan gooba bulshada ugu muuq muuqata sida isbitaalada, xarumaha dawlada, kuwa caalamiga.

Sualaaha aan dhalintaas qaarkood waydiiyay waxaa kamida, maxaa xarumaha dawladaha kaliya shaqo looga doonta? Maadama aad wax baratay maxaad hal abuur ula imaan waysay? Waxayse iigu jawaaban maxaa laqabta iyo xagee laga qabta.

Han yari

Hanka qofka bini aadamka ah waa mid ku kora aragtida uu qofku kahaysto nolosha. Hadaan erayo fudud kusawiro waxaan kala jeeda qofka oo dareema macnaha nolosha, oo is waydiiya suasha ah maxaad unooshahay?

Taasi waxay keeni kartaa inuu qofku kuhanaqaado waxqabso dadkaagana wax uqabo oo noloshiisa ay ku qanci waydo isdhiibida iyo wax qabsi la,aanta.

Waxaana taas lagu abuuri kara qofka dhalinyarada oo ehela cid usaxda hadafka nolosgha tusale ahaan inay koriyaan waalidiin wax ka fahansan nolosha ulana hadla caruurtooda si xigmad kudhisan tahay oo kuwaaniya wax tar iyo hogaan dani ugu jirto awlaadooda. Suasha aan way diin laha walidiintana waxay tahay.

Imasa jeer ayaad lafariisata caruurtada adigoo ula hadlaya siday mustaqbalkooda wax uqabsan lahaayeen?

Waxaa quraanka kariimka ilaahay noogu sheegay qiso gaaban oo luqman uu wiilkiisa kula hadlayo erayo cajiiba waxaana laga fahmi kara inay tahay in awlaada markay yaryihiin loodhiibo masuuliyada naftooda ayado fakar ahaan laga dhisayo hanka si ay u noqdaan dad hanaqaada.

Macalimiinta ayaa ayagana waxaa muhiima inay qayb kaqaatan han dhiska loosameeynayo caruurta yaryar ee an kaliya laga dhisin maskaxda waayo maskaxdu sikasta oo ay udhisan tahay waxay u bahaantahay in lahogaamiyo tusaale ahaan. Gaarigu waxuu awood uleeyahay inuu jaro masaafo aad udheer lakiin haduusan jirin darwal amah hage kaxeeya waxa dhacaysa inuu gidaarka u horeeya oo wadada saran uu dulmaro, taaso keeni karta burburka gidaarka iyo baabuurkaba. Hadaba intuusa ilmaha khasaare naftiisa iyo inta kalaba u gaysaan waxaa haboon in hanka lootoosiyo si uu naftiisa hage ugu noqdo.

 Gabo gabo:

Inkasto aanan gaarin meesha usocday gayna hadalka meshan larabay, waan gunaanadiye. Gabo gabose waxaan leeyahay, dhalinyarooy waxaan nahay dadkii laga sugayay horu socodka dalka iyo dadka iyo diinta. Odhaarhda yar oo aan horay kusoo xusayna waxaan jeclahayn inay noqoto mid natusisa halka nalaka rabo inaan gaarno iyo halkaan joogno. Waloow aan hubo inay jiraan dhlinyaro hana qaaday hankooduna meel fog gaaray bulshadana kadhex muuqata oo an naga qarsoonayn lakiin waxaa ayagana laharay waa tirada badan ee habsanka ah oo dhalinyaradu ubadantahay ugu danbayna waxaan leeyahay waa inaan badalna hab dhaqankeena si ay ubadalmaan hoobaanteenu. Wa inuu is roga hiigsigeenu si aan u hanano hooy nabadeed iyo dawlad hormartay. Lakiin waxaa marka kowaad aan idinkula dardaarmaya hadal aad u qaliya oo uu abwaan hore yiri “hankaagu hadhaafo ree hebel”

Qoraagu waa Mahad Cagacade.

_____________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*