Danjiraha cusub Ben Fender ayaa aqbalaada kadib kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka wadahadleen labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweynaha iyo danjire Ben Fender ayaa ka wada hadlay in dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka ciidamada booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Dabayaaqadii bishii Janaayo ee sanadkan, ayaa Ingiriisku Ben Fender u soo magacaabeen danjiraha Soomaaliya, isaga oo badalay David Concar.