Maxamed Maxamuud Maxamed, guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa Sonna u sheegay in masuuliyiin sare oo ka socda labada dal ay 27-ka Maarso kulmi doonaan si ay xal uga gaaraan arrinta.
Maalmihii lasoo dhaafay xiisad ayaa ka taagneyd magaalada Beled Xaawo kadib markii Kenya ay halkaas dib uga bilowday derbi u dhaxeyn doona xuduuda labada dal. Dadka deegaanka Beled Xaawo ayaa aad uga carooday derbi dhisida Kenya iyaga oo ku eedeynaya in ay soo gashay qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya.